barbaarmedia.com
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka oo ka hadlay tijaabadii hubka Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka – wuxuuna uga digay in Mareykanku uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dal walba oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee ay leedahay Pyongyang, ayuu Trump ugu yeeray waqooyiga inay khatar ku tahay Beijing. Mar ay weriyeyaashu weydiiyeen haddii Mareykanku uu weerari doono Kuuriyada Waqooyi, ayuu Trump sheegay in laga war dhowro waxa dhici doona.

Kaddib hadal gaaban oo uu madaxweynuhu jeediyay, ayaa xoghayaha gaashaan-dhigga Mareykanka James Mattis wuxuu sheegay in Mareykanku uu ajwaab milatari ka bixin doono khatar walba oo Mareykanka ku wajahan, geyigiisa iyo xulafadiisaba.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *