Ka dib guushii ay ka gaareen Juventus kulankii Champions League ee bartamihii isbuuca kooxda Barcelona ayaa ku soo laabaneysa horyaalka La Liga iyagoo maanta marti u ah kooxda Madrid ka dhisan ee Getafe waxaana ay doonayaan inay sii xajistaan hogaanka horyaalka.
Tababaraha Blaugrana ayaa isbedelo qaar ku sameeyay shaxdii uu kala hortagay isbuucii la soo dhaafay kooxda Espanyol ee horyaalka La Liga, iyadoo Nelson Semedo uu booska daafaca midig u baneeyay Sergi Roberto, halka Gerard Deulofeu uu isna booska afka hore ee weerarka u baneeyay saxiixa cusub Dembele.
Luis Suarez iyo Messi ayaana ka garab ciyaaraya xiddiga Faransiiska oo la doonayo inuu Barcelona u buuxiyo booskii Neymar ka tagay. Halka seddexda khadka dhexe ay weli sidoodii yihiin waxaana isku baheystay Busquets, Iniesta iyo Rakitic.
SHAXDA RASMIGA AH:
Getafe: Guaita, Suarez, Djene, Cala, Antunes, Bergara, Arambarri, Gaku, Fajr, Amath, Molina.
Keyd: Waa soo socotaa
Barcelona: Ter Stegen; Sergi Roberto, Pique, Umtiti, Jordi Alba; Sergio Busquets, Iniesta, Rakitic; Suarez, Dembele, Messi.
Keyd: Cillessen, Semedo, Denis, Mascherano, Paulinho, Deulofeu, A.Gomes