Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xariga ka jaray Bandhigga Caalamiga Buugaagta (Mogadishu Book Fair) kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qaybgalay bandhiggan, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda, wuxuuna ammaan ballaaran u jeediyay ka soo qaybgalayaasha iyo qaban qaabiye-yaasha carwadan.